Borussia Dortmund Oo Garaacday Schalke

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)- Horyaalka Bundesliga ayaa maanta si Rasmi ah u soo laabtay iyada oo laga daawaanayay adduunka oo dhan xilli lagu jiro wakhti adag waxana la daawaday kulamo madadaaliyay taageerayaasha kubada cagta.

Kulankii ugu xiisaha badnaa ayaa ahaa kulankii dhexmaray kooxaha Dortmund iyo Schalke ee Revierderby kulankaas oo ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee Bundesliga.

Kulanka ayaa ahaa mid la yaab leh oo aynan horay u arag hadii ay tahay taageerayaal la’aanta, hadii ay ahayd sida ay ciyaartu u bilaabatay oo ahayd mid ayna xiddiguhu hal mar garoonka soo wada galin iyaga oo si kala fog u soo galeen, hadii ay tahay qaabkii ay xiddiguhu u dabaal dageen kadib markii goolashu dhasheen.

Hadii aynu ku soo laabano kulanka waxa gacan saraysay kooxda Dortmund iyaga oo u awood sheegtay kooxda ay jaarka yihiin waliba si fudud dhibcaha uga qaadaay kooxda Schalke.

Dortmund ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro halis ah halka ay Schalke ku dhibaatoonaysay in ay gaadho goolka Dortmund.

Daqiiqadii 29-aad ayay Dortmund dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xididga Erling Braut Haaland kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Dortmund oo sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raphael Guerreiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here