Wakhtiga La Ciyaari Doono Kulanka Champions League Lugta 2-aad Ee U Dhexeeya Man City & Real Madrid Oo La Shaaciyay.

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)-7 bisha August ayay u badantahay in la ciyaaro kulanka kugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League ee u dhexeeya kooxaha Real Madrid & Man City.

Hadii kulanka la ciyaaro wakhtigaas waxa ay 174 maalin ka soo wareegi doontaa maalintii ay kooxda Man City 2/1 ku garaacday kooxda Real Madrid kulankii ka dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu.

Hadii wax walba u dhacaan sida loo qorsheeyay Los Blancos ayaa kulanka gali doonta iyaga oo 3 bilood qaatay tababar ay isugu diyaarinayaan kulankaas.

Kooxda Zidane ayaa tababar qaadan doona dhawr todobaad sidoo kale wada ciyaaray dhamaan 11-ka kulan ee La Liga ah waliba dhamaysan doona horyaalka dhamaadka bisha July.

Ka hor intii aan la joojin kulamada Man City ayaa ugu cad-cadayd in ay Real Madrid garaacdo waliba iska xaadiriso wareega xiga.

Laakiin bilo kadib ma jirto cid la odhan karo way ugu cad-cadahay waxana la ciyaari doonaa kulan xiiso leh maadama ay labada kooxoodba si fiican isku soo diyaarin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here