Nemanja Matic Oo Kashifay Sababta Uu Man United Ugu Qaatay No.31

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Nemanja Matic ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u doortay in uu Man United ugu xidho Lambarka No.31.

Nemanja Matic ayaa Man United ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo Lambarka ka badalay xiddiga Bastian Schweinsteiger oo ka tagay kooxda.

Xiddigaha Marouane Fellaini, Darren Fletcher iyo Keith Gillespe ayaa ka mid ah xiddigaha kooxda Man United horay ugu soo xidhay Lambarka No.31.

Matic ayaa sheegay in uu wiilkiisa u dhiibay masuuliyada Lambarka uu u xidhan doono kooxda Man United markii uu ku biiray kooxda.

“Waxa uu ahaa dookha wiilkayga”ayuu Matic yidhi.

“Ka hor intii aanan heshiiska qalinka ugu duugin Man United Waxa aan wiilkayga hor dhigay Lambarda ka banaan Man United waxana aan waydiiyay in uu ii dooro waxana ay ahaayeen Lambaro badan.

“Waxa aan wiilkayga la joogay guriga waxana aan wada ciyaaraynay kubada waxana uu ii dooray lambarka No.31″ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here