Bukaano badan oo ka bogsaday cudurka karoona feyris iyo kiisas cusub oo la diwaangeliyay gudaha dalka

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland ,gobalka Banaadir,iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle.

Warbixintan waxaa inoo haya Axmed Nuur daahiye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here