Horyaal Kale Oo Yurub Ah Oo La Kansalay

0
19

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xidhiidhka Kubada cagta horyaalka Scotland ee SPFL ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in la kansalay xilli ciyaareedka 2019/2020 iyada oo aan la ciyaari doonin kulamadii ka hadhsanaa xilli ciyaareedkan.

Xidhiidhka SPFL ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay horyaalka ku guulaystay kooxda Celtic oo dhibco 13 ah ku hogaaminaysa horyaalka heerka 1-aad ee dalka Scotland.

Arintaas ayaa la macno ah in ay kooxda Celtic horyaalka Scotland ku guulaystay xilli ciyaareedkii 9-aad oo xidhiidh ah kadib markii loo caleemo saaray guulaystayaasha horyaalka.

Xidhiidhka SPFL ayaa horyaalka ku qiimeeyay dhibcaha ugu badan ee kulan kasta ee xilli ciyaareedkan kadib markii tartanka la joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Kooxda Rangers oo uu hogaamiyo Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa kaalinta 2-aad ka gashay horyaalka kadib markii ay dhibco badan ka dambeeyeen kooxda Celtic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here