Madaxweyne Afrikaan ah oo lagu dhaleeceeyey jabinta sharciga kala fogaanshaha bulshada.

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa lagu dhaleeceeyey jabinta sharciga kala fogaanshaha bulshada xilli uu dadka ka wacyigelinayay inay kala fogaadan si loo xakameeyo faafidda cudurka coronavirus.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa lagu arkayay Mr Ramaphosa oo jabinaya sharciga kala fogaanshaha kaddib markii ay laba dumar ah ka dalbadeen inuu sawir la galo.
Waxaa muuqaalka laga maqlayaa madaxweynaha oo dhahaya “kaalay”.
Maalintii Axadda ahayd dalka Koonfur Afrika waxa laga diwaangeliyay 1,160 kiis oo fayraska corona ah, waa tiradii ugu badnayd ee hal maalin laga diwaangeliyo dalkaas.
Koonfur Afrika waxa muddo dheer saarnaa xayiraado adag, balse hadda waxaa la bilaabay in la qafiifiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here