Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican,

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saarantahay dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez kadib markii ay Atletico Madrid kala heshiisay qiimaha.

Red Devils ayaa haatanba isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka dambe waxana ay Saul Niguez u doonaysaa badalka tooska ah ee xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay United haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga 25 jirka ah iyada oo la sheegayo in ay Man United bixin doonto lacag dhan 70 milyan oo euro.

Lacagtaas ayaa aad uga hoosaysa 131-ka milyan ee ay Atletico Madrid doonaysay ka hor intii aanu dilaacin xanuunka Korona kaas oo dhaqaalaha hoos u dhigay.

Dhicitaanka heshiiskan ayaa haatan ku xidhan ka tagista paul Pogba ee Man United iyada oo United diidan in ay haatan ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga maadama ayna awood u lahayn in ay bixiso mushaharka xididga hadii uu Pogba ka tagi waayo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here