Jurgen Klopp & Liverpool Oo Lagu War Galiyay Go’aanka Dabaal Dega Koobka Premier League.

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool iyo Jurgen Klopp ayaa loo balan qaaday in loo samayn doono xaflada gudoonsiinta horyaalka premier League marka ay ku guulaystaan koobka.

Gudoomiyaha Premier League Richard Masters ayaa Liverpool iyo Jurgen Klopp u balan qaaday in loo samayn doono xaflada ku guulaysiga koobka premier League inkasta oo aanay taageerayaal ka soo qayb gali doonin.

Liverpool ayaa kaliya 2 guul u jirta ku guulaysiga koobka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah.

Maamulka premier League ayaa doonaya in ay xusaan ku guulaysiga Liverpool inkasta oo uu wal-wal ka jiro arintaas sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Markii la waydiiyay in ay jiri doonto xaflad gudoonsiin ah prmeier League ayuu Richard Masters yidhi” Haa Hadii ay suurtagal tahay, waxa aan Liverpool u samayn doonaa xaflad gudoonsiin koobka ah si aan uga farxino xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka shaqadii adag ee ay soo qabteen”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here