Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan oo laga helay corona

0
39

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha ku xigeenka Koonfurta Suudaan, Riek Machar, oo qayb ka ahaa guddiga la dagaalanka fayraska Corona ayaa laga helay Covid-19.

Mr Machar ayaa sheegay in xubna kale oo ka tirsan isla guddiga laga fayraska ayna koox cusub sii wadi doonta shaqada inta ay karantiilka ku jiraan..

Xaaskiisa, Angelina Teny, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale laga helay fayraska.

Khubarada ayaa ka cabsi qaba sida ay Koonfurta Suudan ula tacaali karaysa fayraska maadama muddo tobannaan sano ah ay ka jireen dagaalo.

Kiisaska fayraska corona ee Koonfurta Suudaan ayaa gaaray 236 halka ay afar qofna u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here