Natiijada Baadhitaankii Kooxaha Premier League Ee Xanuunka Korona Oo Soo Baxay

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxa si Rasmi ah loo helay Natiijooyinka Baadhitaanka xiddigaha premier Leaggue iyo waliba shaqaalaha tababarka ka hor inta ayna kooxuhu tababarka ku soo laaban.

Wararka ayaa sheegaya in 6 qof laga helay xanuunka Korona kadib markii baadhitaan lagu sameeyay 748 qof oo isugu jira xiddigo iyo waliba shaqaalaha kale.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay soo baxday Natiijadii kooxaha ee Xanuunka Korona 48-kii saac ee la soo dhaafay kadib markii baadhitaan lagu sameeyay dhamaan xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay 6 qof oo ka tirsan 3 kooxood oo premier League ah laga helay xanuunka kadib markii baadhitaanka lagu sameeyay.

Arintaas ayaa la macno ah in ay haatan 3-daas qof gali doonaan Karantiil muddo 7 maalmood ah ka hor inta aan dib looga baadhin xanuunka.

Dadka laga helay xanuunka ayaan dhamaantood wax calaamad ah lahayn una muuqday kuwo caafimaad qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here