Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka maxkamadda ICJ ee muranka Badda

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka hadlay go’aan kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer.

Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here