Tirada kiisaska cudurka karoona feyris ee laga helay gudaha dalka oo korodhay.

0
36

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188.

Barnaamijka dooda falanqeynta waxaan ku gorfeyn doona sababta ilaa hadda lacagihii dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ugu deeqeen fatahada Baladweyne gurmad loogu sameyn  laa yahay dadka ka barakacay fatahada magaalada Baladweyne kuwaasoo durufo kala duwan ku heysta deegaanka Ceel jaale, waxana barnaamijka igala qeyb galay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali iyo Cabdinaasir Daahir Cilmi oo ka mid ah dhalinyarada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here