Baraasiil oo dawada malaariyada ku dabiibeysa COVID-19

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladda Baraasiil ayaa oggolaatay in laba nooc oo kamid ah dawooyinka loo qaato Malaariyda lagu daweeyo bukaanada qaaday feyrask COVID-19.
Chloroquine iyo Hydroxychloroquine ayey dowladdu sheegtay in loo adeegsado bukaanada qaba Korona iyadoo ilaa hadda aysan jirin wax caddeymo caafimaad ah oo muujinaya in lagu daweyn karo feyraska Korona.

Bishii Maarso ayay ahayd markii Madaxwaynaha Brazil Jair Bolsonaro uu ku soo qoray baraha bulshada in daawadani malaariyada ee loo yaqaano hydroxychloroquine ay wax-tar u leedahay bukaannada qaba cudurka Korona.

Twitter iyo Facebook ayaa hawada ka saaray oo ka tiray mareegtooda hadalkaas oo u ku soo qoray Madaxweynaha Barasiil.

Dalka Barasiil ayaa haddaa ah dalka saddexaad ee tirada ugu badan uu soo ritay feyriska Koroana, iyada oo tirada dhimashadana ay sii kordheyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here