Isbeyn oo kordhineysa bandowgii ka jiray dalkeeda

0
26

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladda Isbeyn ayaa sheegtay in ay raadineyso oggolaanshaha baarlamanka si muddo laba toddobaad ah ay ugu korhiso xaaladda bandowga ah ee dalkaasi ku jiro, xitaa haddii ay hoos u dhacdo dhimashada ilaa 7 bisha soo socta ee Juun.

Xannibaadda ama bandowga hadda ka jira dalkaas ayaa markii ugu horreysay la soo rogay 14-kii Maarso, tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna waxaa kordhin lagu sameeyay 4 jeer.

Waxaa jiray dhaleeceen xooggan oo uu wajahayey Ra’iisal wasaare Sanchez, taas oo kaga imaaneysay garabka midigta ee dalka Isbeyn.

Xukuumadda Isbeyn ayaan marna meesha ka saarin qaadista bandowga ilaa dhamaadka bisha Juun.
Isbeyn ayaa kamid ah dalalka uu sida daran ugu dhex faafay feyraska Korona, waxaana laga soo wariyay 232,000 oo kiis, halka dhimashadu ay gaartay 27,700 oo qof guud ahaan dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here