Boqolaal shacab ah oo ku nool Baladweyne oo salaadda ciida si gooni gooni ah ugu tukaday masaajidda iyo duleedyada magaalada.

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiye ku xigenka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo u waramay Radio Beerlula ayaa muslimiinta meelkasto oo ay joogaan gaar ahaan bulshada Baladweyne ugu hambalyeey munaasabada maalinta ciidul fidriga oo magaalada looga dabaaldagay si ka duwan sidii hore maadama fatahaada wabiga shabelle uu saamey xoogan u geystay isu socdka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga Baladweyne
Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ugu baaqay muslimiinta in la is cafiyo lana caawiyo dadka danyarta ah een wax heysan.

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne oo u waramay Radio Beerlula ayaa ka warbixiyay masaajida ay kusoo tukadeena salaada ciidul fidriga iyo qaabka ay u ciideen.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here