Wasiiro ka tirsan dowladda Koonfurta Suudaan oo laga helay cudurka karoona feyris.

0
28

Baladweyne (Radio Beerlula)Wasiirka warfaafinta Michael Makuei dalka koonfurta Suudaan ayaa sheegay in dhammaan xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka cudurka Covid-19 laga xaqiijiyay in laga helay cudurka marka laga reebo wasiirka caafimaadka.
10 wasiir oo qeyb ka ahaa guddiga ka hortaga cudurka karoona feyris ayaa laga helay cudurkan.
Michael ayaa beeniyay wararka sheegayo in madaxweyne Salva Kiir uu ku dhacay feyraska oo isagu ka tirsanaa guddiga ka hortagga cudurka ee haatan badankooda uu ku dhacay.
Dhawaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in cudurka karoona feyris laga helay madaxweyne ku-xigeenka koonfurta Sudan Riek Machar, xaaskiisa iyo wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas kaddib markii ay la kulmeen xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here