Hordhac: Borussia Dortmund Vs Bayern Munich

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Horyaalka Bundesliga ayaa wali noqon doona horyaalka madadaalinaya taageerayaasha Kubada cagta Adduunka iyaga oo markan daawan doona kulan aad u xiiso leh oo la wada sugayo.

Kulankaas ayaa ah kulanka ay Borussia Dortmund marti galin doonto kooxda Bayern Munich kulankaas oo dhex mari doona hogaamiyayaasha horyaalka iyo kooxda kaalinta 2-aad.

Kulanka ayaa ah mid dhex mari doona labada kooxood ee ugu awooda badan Bundesliga iyada oo labada kooxood kulanka u soo gali doonaan laba u jeedo oo kala duwan.

Kooxda martida loo yahay ee Borussia Dortmund ayaa kulanka u soo gali doonta iyada oo isha ku haya in ay soo yarayso dhibcaha 4-ta ah ee ay ka dambayso kooxda Bayern Munich.

Dhanka kale kooxda Hogaaminaysa horyaalk ee Bayern Munich ayaa isha ku haya sidii ay kulanka ugu soo soo gali lahayd una sii dheeraysan lahayd hogaanka horyaalka Bundesliga.

Kulanka: Borussia Dortmund Vs Bayern Munich

Tartanka: Bundesliga

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Signal Iduna Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay 9 gool iyada oo aan wax gool ah laga dhalin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Borussia Dortmund (4-0 iyo 5-0), laakiin Dortmund ayaa garaacday markii ugu dambaysay ee ay Bayern Munich ku marti galisay Garoonka Signal Iduna Park Kulan Horyaalka ah kulan ku dhamaaday 3/2 xilli ciyaareedkii hore.

Dortmund ayaa sidoo kale Bayern Munich ka reebtay tartanka Koobka Germany bishii August taas oo la macno ah in uu tababaraha Dortmund rikoodh 100% ah ku leeyahay Bayern Munich.

Goolasha xiddiga Haaland ee 10-ka ah ayaa la macno ah in ay Dortmund tahay kooxda kaliya ee Bundesliga xilli ciyaareedkan 3 gool dhaliyeen 10 gool iyo wax ka badan iyada oo labada xiddig ee kale yihiinReus (11) iyo Sancho (14).

Lewandowski ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka xilli ciyaareedkan isagoo leh 27 gool, waxaana uu dhaliyay hal gool 82-kii daqiiqoba Halka Haaland yahay xiddiga ugu soo xiga isaga oo dhaliyay 10 gool taas oo la macno ah in uu gool dhaliyay 69-kii daqiiqoba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here