Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xiliga rasmiga ee dib loo furayo duulimaadyada gudaha dalka.

0
43

Baladweyne(Radio Beerlula)- Shir golaha wasiirrad oo uu shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdulahi Xaamud ayaa ka waramaya ogolaasha xiliga dib loo furayo duulimaadyada iyo qodobo kale oo lagu meelmariyay shirka golaha wasiirada.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here