Sergio Ramos Oo Kashifay Wakhtiga Uu Doonayo In Ay Real Madrid Ku Guulaysato Horyaalka La Liga.

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa diiday in uu guushii ay Los Blancos ka gaadhay kooxda Grnada ku tilmaamo midkii ay ugu guulaysteen horyaalka La liga.

Kooxda Real Madrid ayaa guul 2/1 ah ka soo gaadhay kooxda Granda kulan ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa horyaalka La Liga si Rasmi ah ugu guulaysan doonta maalinta Khamiista hadii ay guul gaadho iyaga oo aan sugin natiijada kooxda Barcelona ee horyaalka.

Ramos oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxba kumaanu guulaysan ilaa haatan, ma ahan in aanu is dhigano, kooxdu waxa ay gaadhay guulo muhiim ah iyo natiijooyin fiican”.

“Waxa aan rajaynayaa in aanu maalinta Khamiista ku guulaysano horyaalka La Liga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here