Inter Milan Oo Man United U Soo Bandhigaysa Heshiis Isku Badalasho Ah.

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayi doonto in ay Anthony Martial ku hesho qayb ka mid ah heshiiska ay Man United ku doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Milan Skriniar.

Kooxda reer Italy ayaa muddo dheer xiiseyneysay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Martial, kaasoo dhaliyay 21 gool xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 60 Milyan oo euro marka loo eego in uu xiddigu kula jiro kooxda ilaa xagaaga 2024.

Sidaas darteed wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Inter Milan xiisaha Man United ee Skriniar u adeegsan doonto in ay United kala wareegto Martial.

Inter Milan ayaa doonaysa in ay Man United u soo bandhigto fursada is dhaafsiga labada xiddig ee Milan Skriniar & Anthony Martial marka la gaadho suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here