Luis Suarez Oo Kashifay Cida Sababta U Ah In Ayna Barcelona Ku Guulaysan Horyaalka Xilli Ciyaareedkan

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa aaminsan in ay Barcelona sabab u tahay in ayna Kooxdu ka fogaato hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu wadaa in loo caleemo saaro horyaalnimada horyaalka La Liga khamiista hadii ay ka badiyaan Villarreal iyaga oo aan sugin natiijada kooxda Barcelona.

“Waa inaan nafteena dhaleeceyneynaa” ayuu Suarez u sheegay Mundo Deportivo.

“Anaga ayaa sabab u noqonay in uu horyaalku naga baxsado”.

“Waan ognahay in aanu anagu sabab u nahay, ma raadinayno wax cudur daar ah”.

“Haatan, sharafta kooxda Barcelona darteed waa in aanu badino 2-da kulan ee ka hadhay horyaalka kadib aan diirada saarno champions League kaas oo aan u dagaalami karno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here