Hordhac: Crystal Palace vs. Manchester United

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa u halgami doonta sidii ay uga midho dhalin lahayd hammigooda ugu weyn oo ah inay afarta kooxood ee ugu sarreeya ka mid noqdaan, marka ay caawa safarta ugu Crystal Palace oo ay isku haleelayaan kulanka 36aad ee horyaalka Premier League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo xiddigihiisa ayaa fursad dahabi iska lumiyey ciyaartii ay Isniintii ku garoonka Old Trafford ku martigeliyeen Southampton, waxaanay si buuxda u fadhiisan lahaayeen haddii ay guuleysan lahaayeen kaalinta saddexaad.

Laakiin gool uu waqti hore ka dhaliyey Stuart Armstrgong, qaladkiisana uu iska lahaa Paul Pogba ayay United ku baddashay laba gool oo saddex daqiiqadood u dhexeeyeen oo ay kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Anthony Martial, hase yeeshee Michael Obafemi oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii 96aad goolka barbarraha ka dhaliyey xilli uu garsooruhu siidhiga afka ku hayey oo uu doonayay inuu dhameeyo.

Kulamada 35aad oo sidoo kale laga adkaaday Chelsea iyo Leicester City ayey kooxaha ku tartamaya kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad sidooda ahaayeen oo aanay waxba iska beddelin, marka laga yimaaddo in Red Devils ay hal dhibic sare usoo kacday oo ay la sinnaatay Foxes oo goolasha ku horreysa.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ay ka keeneen labadan kooxood, Leicester City shantii kulan ee ugu dambeeyey ba waa laga badiyey, waxaana guul ugu dambaysay ciyaartii lixaad, waana sababta ay kaalinta 14aad ee horyaalka ugu dageen.

Laakiin Man United ayaa soo guuleysatay afar ciyaarood, labada kalena barbarro soo gashay, iyadoo guud ahaan aan 18aad oo tartamada oo dhan ah laga badin.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Crystal Palace vs Manchester United

Tartanka: Premier League, Kulamada 36aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Selhurst Park

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here