Koox Ingiriis Ah Oo Lagu Waramay In Ay Valencia La Meel Dhigtay Hishiiska Ferran Torres

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Man City ay soo wadaan xiddig ka ciyaara horyaalka Spain waliba wadahadallada ay marayaan meel wacan

Euro Sport ayaa sheegeysa in City ay Valencia la meel dhigeen hishiiska xiddiga garabka ka ciyaara ee Ferran Torres

Waxaa lagu waramayaa in labada koox ay isla meel dhigeen qiimaha laacibka uu ugu soo wareegayo City kaliyana ay harsan tahay in ay ku dhawaaqaan hishiiska

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Ferran Torres uu City u saxiixayo hishiis muddo fog ah

Laacibnkaas reer Spain ee 20 sano jirka ah ayaa hishiiskiisa Valencia waxa uu dhacayaa xagaaga 2021-ka waxaana dhawaan hakad galay wadahadallo hishiis kordhin ah oo ay horay kooxdiisa ula furtay

Lama helin qiimaha City uga baxaya hishiiska Ferran Torres , waxaana xusid mudan in laacibkaan ay horay u baadi goobayeen kooxo ay ka mid yihiin Real , Juve, Napoli , United Iyo Dortmund

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here