Kooxda Osasuna Oo guul ka gaartay Barcelona

0
35

Baladweyne(Radio Beerlula)- Barcelona ayaa waqtigii dheeriga ee ciyaarta waxa ay guul darro xanuun badan kala kulmeen  Osasuna oo 10 ciyaartooy ku dhameystay  ciyaarta   xilli natiijadaas ay Real u gacan gilisay horyaalka oo ay si rasmi ah ugu  guuleysteen ka dib guul ay ka gaareen iyana Villareal

Sheekada qeybta koowaad , Barcelona iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse daafaca Osasuna ayaa ahaa mid adag waliba kubadaha rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen

Barcelona waxaa gool looga naxsaday daqiiqaddii 16-aad ka dib kubad lagu weeraray waxaana ciribta ku soo celiyay Gerard Pique balse waxaa helay oo toogtay goosha Barca Jose Arnaiz daqiiqadii 16-aad

Barcelona waxaa ku adkaa in kubadda gadaal marsiiyaan daafaca kooxda martida inkastoo daqiiqaddii 21-aad Barca ku sigteen goolka bar bar dhaca balse waxa ay birta kaga dhacday Messi ka dib kubad free Kick aheyd .

Osasuna waxa ay ciyaarayene kubad degan oo ay foojignaan ku dheehahan tahay waxaana mar kale Messi daqiiqadii 38-aad uyu goolhayaha Osasuna ka bad baadiyay gool xaqiiq ahaa

Qeybta labaad , sida qeybtii hore , Barcelona iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse Osasuna guud ahaan daafac ayay ku jireen kaliya waxa ay dagaal ugu jireen in kubadda iska soo saaraan balse sida muuqata waa la filan karay goolka bar bar dhaca

Daqiiqadii 53-aad Messi ayaa laga bad baadiyay fursad xaqiiq aheyd xilli daqiiqadii 62-aad Messi uu dhaliyay goolka bar bara dhaca oo ahaa Free Kick aheyd xilli ka hor goolkaas ay badal ku soo galeen dhanka Barcelona Vidal iyo Suarez oo daqiiqadii 59-aad loo saaray Semedo iyo Martin Braithwaite

Barcelona si kubad haysashada gool ugu tirjumaan waxa ay soo giliyeen Busquetes oo loo saaray Rakitic daqiiqadii 67-aad xilli dhanka kooxda martida uu xaalka ku xumaaday ka dib markii kaarka casaanka ah uu ka qaatay Enric Gallego daqiiqadii 75-aad

Barca si waliba ayay u dadaaleen balse daafac ahaan ayaa loo wajahay balse waxa ay dhibaato dhacday ka dib daqiiqadihii dheeriga oo ay kooxda martida heshay goolka guusha waxaana dhaliyay Roberto Torres waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here