Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Horyaalka LaLiga

0
47

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa koobkeedii 34aad ee horyaalka LaLiga gacanta ku dhigtay, waxaana ku hoggaamiyey Karim Benzema oo laba gool dhaliyey, taas oo Los Blancos uga dhigan inay toddoba dhibcood ka horreeyaan Barcelona oo guul-darro xanuun badan ay u xambaarisay Osasuna.

Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa ayaa qaybtii hore ee ciyaarta gool la hormaray, waxaana u dhaliyey Karim Benzema, iyadoo qaybtii labaadna uu laacibka reer France gool rikoodhe ah dhaliyey, halka Villarreal ay gool madax ah oo aan waxba u tarin waqti dambe dhalisay.

 

Daqiiqaddii 3aad ee ciyaarta ayay Real Madrid ku dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta la wareegto, markaas oo uu Dani Carvajal kubbad la hor-tegay goolhaye Sergio Asenjo, laakiin difaaca reer Spain oo kubadda dhiibi karayay ayaa doortay inuu goolka toogto, isla markaana uu kubadda ka dul-qaato goolhayaha, hase yeeshee Sergio Asenjo ayaa tiigsaday kubadda oo qabtay.

Real Madrid waxay si buuxda gacanta ugu dhigtay khadka dhexe oo ay joogeen Toni Kroos, Casemiro iyo Luka Modric, waxaanay kubadda gacanta ku haysay boqolkiiba 61, laakiin kumay ekayn haysato, waxaase garbaha si cajiib ah uga shaqaynayay Hazard iyo Rodrygo, halka uu Benzema kusoo degayay dhexda oo uu dhismaha kubadda ka caawinayay ciyaartoyga kooxdiisa.

Karim Benzema ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 29aad, waxaana kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday xerada ganaaxa afkeeda hore u dhigay Luka Modric, waxaanu laacibka reer France laag awood badan oo dhulka socday ka hoos bixiyey goolhaye Asenjo.

Los Blancos oo inta badan kubaddoodu ay ka socotay dhinaca midig ayaa waxa dhawr kubbadood xerada ganaaxa kusoo tuuray Rodrygo iyo Dani Carvajal, laakiin difaaca Villarreal ayaa feejignaan badan muujiyey iyadoo ay mararka qaarkoodna koorneyaal isku saareen.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Real Madrid hoggaanka ku haysay, laakiin tababare Zidane ayaa walaac ka muujinayay khaladaad badan oo lagu gelayay Eden Hazard oo isku dayayey inuu kubadda jiido laakiin ay ciyaartoyda Villarreal bartilmaameedsanayeen, dhulkan ugu tuurayeen.

Real Madrid ayaa dardar kula soo laabatay qaybta labaad, waxaana kubbad garabka midig loogu tuuray Dani Carvajal oo soo farsameeyey Torres, lugta bidixna laag awood badan ku toogtay goolka, laakiin goolhaye Aenjo ayaa iska soo celiyey, Hazard oo halkaas joogay ayaa quwad jabay maadaama ay si lama filaan ah ugu timid, markii horena uu Carvajal ka filayay inuu baas u dhiibo.

Sergio Ramos ayaa loo qabtay rikoodhe, waxaana iyadoo xerada ganaaxa uu ku jiro uu lugaha la galay difaaca Villarreal xilli uu kubaddana u dhiibay Vinicius Junior.

VAR ayaa laga soo hubiyey inuu qaladku dhacay oo rikoodhuhu ansax yahay, waxaana qaatay Kabtan Sergio Ramos oo halkii uu goolka ka toogan lahaa baas u dhiibay Karim Benzema oo shabaqa dhex-dhigay, laakiin garsooraha ayaa diiday goolka maadaama uu Karim laynka soo dhaafay ka hor intii aanu Ramos kubadda laagin. Kubadda ayaa mar kale lagu celiyey, waxaana doorkan qaatay Karim Benzema.

Karim Benzema ayaa rikoodhaha gool u beddelay, iyadoo uu dhinaca midig ka dhigay goolhayaha oo kubadda raacay, laakiin dhulka oo ay socotay darteed ayuu u gaadhi kari waayey.

Toni Kroos ayaa birta ka jaray kubbad uu ku toogtay lugtiisa bidix oo uu bannaanka ka ganay kubadda, waxaana madax ku celiyey Marco Asensio oo doortay inuu goolka ku celiyo halkii uu kasiin lahaa Benzema oo meel cidlo ah oo dhinaciisa bidix ah taagnaa.

Iborra ayaa rajada ciyaarta soo nooleeyey, waxaanu madax ku qabtay kubbad uu meel fog uu kasoo tuuray Mario Gaspar.

Villarreal ayaa daqiiqado kooban kaddib goolka ay dhaliyeen waxay goolka Real Madrid hortiisa keentay kubadda oo ay ciyaartoyda labada kooxood muddo kor loollameen goolhayaha, ugu dambayntiina nasiib ayaa badbaadiyey Real Madrid.

Daqiiqaddii 92aad ayay Villarreal kubbad gfaraha ku goysay Thibaut Courtois, waxaanay u baxday bannaanka, laakiin mar kale ayuu dirqi ku badbaadiyey, haddana mar saddexaad ayaa lagu celiyey. Nasiib ayay Real Madrid lahayd markanna.

Marco Asensio ayaa gool u dhaliyey Real Madrid, laakiin waxay kubaddu gacanta kaga sii dhacday Benzema, waxaana laga soo hubiyey VAR.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Real Madrid, waxaanay sidaas Los Blancos ku qaadeen Koobka iyagoo ku dhex-dabbaaldegay garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here