Frank Lampard Oo Kooxdiisa Chelsea Uga Digay 4 Xiddig Oo Man United Ah Ka Hor Kulankooda Semi-Final-ka FA Cup-ka

0
14

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa uga digay kooxdiisa Chelsea afar ciyaartoy oo Manchester United ah ka hor kulanka Semi-finalka FA Cup ee Axada.

Kooxda Lampard ee Chelsea Iyo Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ee Man United ayaa Axada ku kulmi doona Wembley Iyada oo midkooda badiyo iska xaadirin doono Finalka tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka galaysa iyada oo kaalinta 3-aad kaga jirta premier League hal dhibicna ka horaysa kooxda Man United kala saraynta horyaalka

Red Devils ayaan dhankeeda guuldaro la kulmin tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka iyaga oo sidoo kale chelsea laba jeer garaacay prmeier League xilli ciyaareedkan.

Lampard ayaa ka walwalsan halista weerarka United ee xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood Iyo xiddiga wacdaraha ku jira ee Bruno Fernandes.

“Waan ognahay in Manchester United ay si fiican u ciyaareyso” ayuu Lampard ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor.

“Waxa ay haystaan saddex xiddig oo halis ah oo uga ciyaara weerarka waxana aan odhan karaa waaba kuwa ugu fiican England wakhti xaadirkan iyo sida iska cad Fernandes kaas oo saamayn weyn ku yeeshay kooxda tan ilaa markii uu kooxda yimid bishii January”.

“Waxa aad aragtaa awooda ay arintaas keentay iyo waliba tayada xiddigaha kali-kaliga ah laakiin waan ognahay arintaas waxana aan leenahay kalsooni nafteena ah si aan ula dhaqano halistooda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here