Chelsea oo u soo baxday Final-ka tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Manchester United

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda reer London ee Chelsea ayaa Arsenal balan kaga sameysatay Final-ka tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay guul kaga gaartay naadiga Manchester United 1-3, kulankii wareega afar dhamaadka ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 45-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Olivier Giroud, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad Chelsea ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 0-2 ka dhigay Mason Mount.

Balse daqiiqadii 74-aad Chelsea ayaa si toos ah u niyadjabisay kooxda Manchester United, waxaana 0-3 ka dhigay Harry Maguire oo gool iska dhaliyay.

Daqiiqadii 86-aad Manchester United ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badelay Bruno Fernandes, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 1-3.

Ugu dambeyntii wiilasha tababare Frank Lampard ee Chelsea ayaa waxay ku garaaceen kooxda Manchester United garoonka Wembley, waxayna balan adag kaga sameysteen naadiga Arsenal Final-ka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here