Man City Oo guul ka gaartay Watford

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda Man City ayaa xasuuqday kooxda Watford kulan ka tirsanaa todobaadkii 37-aad ee horyaalka Premier League kana dhacay garoonka Vicarage Road Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City sida ay doonto u maamulaysay iyaga oo sii xumaysay xaalka Kooxda Watford kuwaas oo qarka u saaran in ka hadhaan premier League xilli ciyaaredkan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Raheem Sterling ayaa ahaa xiddig garoonka isaga oo 2 gool dhaliyay soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib kuna dhawaaday goolal kale.

Daqiiqadii 31-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo gool qurux badan ka dhaliyay kulanka kadib gantaal uu dhaliyay isaga oo dilinta ganaaxa ku dhex jira.

Kooxda Man City ayaa sii raadinaysay goolasha iyaga oo helay fursado fiican laakiin aan wax gool ah u badalin.

Daqiiqadii 40-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta kadib markii Raheem Sterling lagu galay rikoodhe isla isaguna u istaagay in uu fuliyo rikoodhada kooxdiisa.

Laakiin Raheem Sterling ayaa markii hore laga qabtay kubada laakiin kubadii uu Goolhayuhu soo celiyay ayuu ku celiyay kana dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 2-aad oo kooxdiisa.

Wxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City iska maamulanaysay ciyaarta Watford-na ku dhibaatoonaysay in ay qaado weeraro wax ku ool ah.

Qaybtii dambe ayay City ku soo gashay raadinta goolal kale xilli ay Watford wali kari la’ayd in ay u dhawaato goolka kooxda Man City.

Daqiiqadii 63-aad ayay Man City dhalisay Goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 67-aad ayay Man City dhalisay gool 4-aad ee ciyaarta kaas oo uu madax u dhaliyay xiddiga Aymeric Laporte kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul weyn xilli ay Watford qarka u saarantahay in ay ka hadho horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here