Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Xaqiijisay In Ay Bilowday Wadahadalo Ay Man United Kaga Doonayso Alexis Sanchez.

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxa fulinta kooxda Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay wadahadalo kula jirto kooxda Man United si ay u sii dheerayso heshiiska Amaahda ah ee ay ku haysato xiddiga Alexis Sanchez.

Joogistii uu xiddiga 31 jirka ah joogay San Siro ayaa lagu kordhiyay ilaa 7 bisha August marka uu dhamaado xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da iyo Europa League.

Kooxda Antonio Conte ayaa doonaysa in ay wareegyada dambe ka gaadho tartanka Europa League xilli ciyaareedkan waxana ay doonayaan in ay ugu yaraan hal sano kale amaah ku sii haystaan xiddiga.

“Waxa aan wadahadalo kula jirnaa Man Unted si aan u sii dheerayno heshiiska amaahda ah ee Sanchez”ayuu Moratta u sheegay Sky Sport Italia.

Xiddiga reer Chile ayaa dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale 26 kulan oou u ciyaaray Inter Milan tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here