HORDHAC: Chelsea vs Wolves

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea iyo Wolverhampton Wanderers ayaa ku kulmaya Stamford Bridge kulanka ugu dambeeya Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo usoo bixitaankooda tartamada Yurub uu gacmahooda ku jiro.

Blues ayaa u boos jooga inay Champions League ka xaadiraan doorka dambe halka Wolves oo 59 dhibcood booska lixaad ku joogtaa ay natiijo wanaagsani ugu filnaan doonto inay xilli ciyaareedkii labaad Europe League gaadhaan.

Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Kahor

N’Golo Kante oo seegay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee Chelsea ayaa dhawaan tababarka kusoo laabtay balse shaki ku jiraa inuu kusoo bilaaban doono kulanka, Fikayo Tomori iyo Billy Gilmour ayaa hubaal maqnaan doona.

Frank Lampard ayaa loo badinayaa inuu afar daafac kula ciyaari doono Wolves taas oo ka dhigan in Azpilicueta uu garabka bidix ciyaari doono halka uu midigta tagi doono Reece James.

Dhinaca Wolves, tababare Nuno Espirito Santo ayaan wax ganaax iyo dhaawac ah midna qabin taas oo ka dhigan inuu saf dhammaystiran la tegi doono Bridge.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Chelsea: Kepa; James, Rudiger, Zouma, Azpilicueta; Kovacic, Jorginho, Mount; Willian, Giroud, Pulisic

Wolves: Patricio; Boly, Coady, Saiss; Doherty, Neves, Moutinho, Jonny; Podence, Jimenez, Jota

Xogta Kooban Ee Kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Wolves

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Stamford Bridge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here