Chelsea Oo Dar-Dar Galinaysa Baacsiga Ay Ugu Jirto Kai Havertz Kadib Markii Ay U Soo Baxday Champions League.

0
12

Baladweyne(Radio Beerlula)-Chelsea ayaa dardar gelineysa wadahadalada ay kula jirto kooxda Bayer Leverkusen eek u aadan Kai Havertz ka dib markii ay u soo baxeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Blues ayaa baacsi ugu jirtay xiddiga 21 jirka ah muddo kadib markii ay horay u dhamaystireen saxiixyada xiddigaha Timo Werner & Hakim Ziyech.

Tababaraha cheslea ee Frnak Lampard ayaa ku rajo weyn in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa kadib markii ay kooxdu ku dhamaystay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Leverkusen oo kaalinta 5-aad kaga dhamaystay Bundesliga ayaa dalbanaysa lacag dhan 90 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda kula jira heshiiska ilaa xagaaga 2022.

Lampard ayaa xiddiga 21 jirka ah oo sidoo kale ka ciyaara kara weerarka beenta ah u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin doona kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany Kai Havertz ayaa noqon doona saxiixa 3-aad ee ay kooxda chelsea samayso suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here