David Luiz Oo Rikoodh Xun Ka Dhigay Horyaalka Premier League.

0
13

Baladweyne(Radio Beerlula)-Daafaca kooxda Arsenal ee David Luiz ayaa Albaabka dambe ka galay taariikhda horyaalka premier League kadib markii uu dhigay rikoodh xun maalintii ugu dambaysay ee horyaalka premier League.

Daafaca reer Brazil ayaa galay rikoodhadii 5-aad ee xilli ciyaareedkan kulankii ay Arsenal guusha 3/2 ah ka gaadhay kooxda Watford kana tirsanaa premier League.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu Arsenal ku soo biiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Luiz ayaa aamusiyay dadka dhaleeceeya kulamadii la soo dhaafay isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulaamdii ka horeeyay kulankii Watford ee shalay.

Laakiin xiddiga ayaa rikoodhe galay kulankii ay Gunners guusha ka gaadhay kooxda Watford maalintii ugu damabaysay ee horyaalka premier League

Luiz ayaa noqday daafacii ugu horeeyay ee taariikhda horyaalka premier League 5 rikoodhe ku gala kooxdiisa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here