Juventus Oo Markii 9aad Oo Isku Xigta Ku Guuleysatay Horyaalka Serie A

0
11

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Juventus ayaa ku guulaystay horyaalkii 9-aadoo xidhiidh ah Serie A-da kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Sampdoria kulan ka dhacay garoonka Allianz Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag Juventus bilowgii ciyaarta iyada oo ay Sampdoria kala hor tagtay iska caabin xoogan oo ay doonayeen in ay kaga hor istaagaan in ay si dhib yar guul ku gaadhaan.

Juventus ayaa wax walba u samaysay sidii ay gool u dhalin lahayd laakiin kooxda Sampdoria ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo xitaa marar qaar ku dhawaaday in ay gool ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 45-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigooda Cristiano Ronaldo kaas oo si qurux badan goolka ugu dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Juventus 1/0 ku hogaaminayso laakiin ay iska caabin kala kulantay kooxda martida u ahayd ee Sampdoria.

Qaybtii dambe ayay Juventus sii waday raadinta goolalka iyaga oo u muuqday kuwo ka fiican sidii hore awoodna ku muquuniyay kooxda Sampdoria kuwaas oo niyad jabay.

Daqiiqadii 67-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Bernardeschi kaas oo shabaqa dhex dhigay kubad xoogan oo uu Cristiano Ronaldo goolhayaha ka soo jaray.

Waxa sidaas ku dhmaatay kooxda Juventus oo ku guulaystay horyaalka Serie A-da markii 9-aad oo xidhiidh ah iyo markii 36-aad ee taariikhda kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here