Jurgen Klopp Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Tababaraha Sannadka

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo doortay macallinkii ugu wanaagsanaa sannadkan, kaddib markii uu kooxdiisa Reds u qaaday horyaalka Premier League oo ay muddo 30 sannadood ah ka qatanaayeen.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigtay horyaalka Premier League, waxaanay soo guuleysatay 27 ka mid ah 38kii ciyaarood ee xili ciyaareedkan, iyagoo horyaalkana ugu guuleystay 99 dhibcood.

Jurgen Klopp ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta tababaraha ugu wanaagsan sannadka  ee LMA ee hadda loo bixiyey Sir Alex Ferguson Trophy, waxaanu ku garaacay macallinka Leeds United ee Marcelo Bielsa oo kooxdiisa ka caawiyey inay usoo dallacdo horyaalka Premier League kaddib laba sannadood oo uu heerka labaad ee Championshipka ku laylinayey, Gareth Ainsworth oo ah tababaraha kooxda Wycombe Wanders iyo Chris Wilder oo Sheffield United layliya.

Sir Alex Ferguson ayaa abaal-marina guddoonsiiyey Jurgen Klopp, waxaanu ku amaanay shaqada uu qabtay, isagoo dhinaca kalena soo qaaday sida adag ee uu Marcelo Bielsa ugu dedaalay inuu Leeds United dib ugu soo celiyo horyaalka oo ay 16 sannadood ka maqnayd.

Ferguson ayaa yidhi: “Jurgen, waa heersare. Waxaan ka hadlayaa Leeds United oo 16 sannnadood oo 16 sannadood ka ciyaaraysay Championshipka iyo Liverpool oo 30 sannadood kaddib ku guuleysatay horyaalka. Waa wax cajiib ah.”

Sir Alex Ferguson waxa uu qiray in Liverpool ay u qalmaysay horyaalka ay ku guuleysatay xili ciyaareedkan, waxaanu yidhi: “Dhab ahaantii way u qalmayeen, heerka bandhiggooduna wuxuu ahaa mid xaqiiqdii heersare ah.”

Tababare Jurgen Klopp ayaa uu amaan ballaadhan u jeediyey, waxaanu yidhi: “Shaqsiyaddaada ayaad kooxda oo dhan ku maamushay. Waxay ila tahay inay ahayd bandhig layaab leh.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here