Man United Oo Diyaar U Ah In Ay Gabi Ahaan Isaga Hadho Baacsiga Jack Grealish

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa si cad u diiday in ay la kulanto lacagta 75-ka milyan ee ay dalbanayso kooxda Aston Villa si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish waxana ay waliba diyaar u yihiin in ay isaga hadhaan baacsiga xiddiga gabi ahaan hadii ay Villa diido in ay hoos u dhigto qiimaha.

Red Devils ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish kadib markii ay u soo bexeen champions League xilli ciyaareedka dambe.

Jack Grealish ayaa bartilmaameed u ahaa muddo dheer gaar ahaan 18-kii bilood ee ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda ku ciyaarta Villa Park.

Kooxda Aston Villa ayaa Man United u sheegtay in ay iska bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro hadii ay doonayso kabtankeeda Jack Grealish inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Laakiin wargayska Metro ayaa sheegaya in ay Man United u sheegtay dhigeeda Aston Villa in ay gabi ahaanisaga bixi doonto baacsiga ay ugu jirto xiddiga hadii ayna hoos u dhigin qiimahaas maadama ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagtaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here