Manchester United oo ka dooneysa kooxda Bayern Munich badelka Jadon Sancho

0
28

Baladweyne (Radio Beerlula)- Manchester United ayaa dooneysa inay xoojiso weeararka kooxdeeda xilli ciyaareedka soo socda, waxayna xiiseynayaan inay la soo saxiixdaan xiddig si wanaagsan kaga ciyaari kara garbaha weerarka.

Jadon Sancho ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Manchester United suuqa kala iibsiga ee xagaaga ee soo aadan, balse kooxdiisa ayaa codsatay lacago aad u badan si ay u fasaxdo.

Shabakada “Sky Sports” ayaa soo xigatay warbixin uu daabacay warsidaha “The Athletic” kaasoo tilmaamay in Manchester United ay xiiseyneyso inay la soo saxiixato xiddiga reer France iyo naadiga Bayern Munich ee Kingsley Coman.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Manchester United ay ku dooneyso Kingsley Coman heshiiska amaahda ah, waxayna durba bilaabeen wada hadalada uu ugu soo dhaqaaqayo garoonka Old Trafford.

Bayern Munich ayaa u muuqata inaysan Kingsley Coman u ogolaan doonin inuu baxo inkastoo ay la soo saxiixdeen Leroy Sané, maadaama 24 jirka reer France uu dhaliyay 4 gool, isla markaana uu caawiyay 4 gool kale, 24 kulan uu ka ciyaaray horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here