Xiddig Barcelona Ka Tirsan Oo Si Cad U Diiday Inuu Kooxda Ku Soo Laabto Ka Hor Kulanka Champions League Ee Napoli

0
30
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-06-30 06:28:17Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arthur Melo ayaa ku wargeliyay Barcelona inuusan dooneynin inuu kooxda u ciyaaro mar kale.

Ka dib markii uu heshiis u saxiixay Juventus, tababare Quique Setien ayaa joojiyay inuu safo xiddiga khadka dhexe ee Brazil kulamadii ugu danbeysay ee La Liga, Arthur ayaa ka careysan sida loola dhaqmay.

Arthur ayaan soo laabanin ka dib markii tababaraha Barcelona uu ciyaartoyda fasax siiyay muddo isbuuc ah markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka La Liga, inkastoo laga doonayay inuu maro baaritaanka Korona Fayras

Ciyaartoyda kale ee Blaugrana ayaa soo laabtay, waxayna mareen baaritaanka Korona Fayras Isniintii.

Arthur ayaa xitaa ka codsaday in Barcelona ay kansasho inta uga hartay qandaraaskiisa oo ah ilaa iyo dhamaadka Champions League, wuxuuna haatan wadahadal ugu jiraa sidii ay taasi ku dhici laheyd.

Kooxda ayaa u cadeysay Arthur inuu weli yahay ciyaaryahan Barcelona ah, madaama uusan soo xaadirin Isniintii waxaa laga qaadi doonaa talaabo dhanka dishibiliinka ah.

Arthur ayaa isna dhankiisa u cadeeyay kooxda inuusan dooneynin inuu mar kale xirto maaliyada Barcelona, madaama uu dareemayo inay kooxda ku qasabtay inuu baxo xilli uu rabay inuu sii joogo Camp Nou.

Haddii Arthur uu ku soo laaban waayo Barcelona ka hor kulanka Champions League ee Napoli, waxay taasi madax xanuun dhanka xulashada ah ku abuuri doontaa tababare Setien.

Dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa ka dhigaya in Setien uusan heysan xiddigo badan oo khadka dhexe iyadoo kaliya ay Frankie de Jong iyo Sergi Roberto ay diyaar u yihiin kooxda si la mid ah da’ yarka Riqui Puig.

Si kastaba, iyadoo markii horeba shaki laga qabay in Arthur uu ciyaari doono kulankaas, hadana inaysan ku heysan kursiga keydka ayaa dhibaato u noqon karta Blaugrana gaar ahaan haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here