Xiddig Real Madrid Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona 10 Maalin Ka Hor Kulanka Man City

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Mariano Diaz ayaa laga helay xanuunka Korona Waxana uu seegi doonaa kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto Man City bsiaha dambe sida ay sheegayaan wararku.

Madrid ayaa wajihi doonta Man City kulan ka dhici doona Etihad Staduim kaas oo dhici doona 7 bisha August kana tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions Leageu.

Laakiin Zidane ayaan adeegsan doonin xiddiga 26 jirka ah kadib markii laga helay xanuunka Koron.

Xiddigaha Real Madrid ayaa ku soo laabtay tababarka maanta oo salaasas ah kadib markii la siiyay fasax yar kadib markii uu dhamaaday bilowgii bishan.

Kadib markii xanuunka laga helay Mariano ayaa haatan karantiil gali doona waxana uu seegi doonaa kulanka Man City ee ay 10 maalin ka xigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here