10-ka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Adduunka Kubada Cagta Oo La Soo Saaray

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa Man United kooxda ugu qiimaha badan kubada cagta adduunka kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka premier League.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambaysay ee dhaqaalaha sanadlaha ah kooxda Liverpool ayaa kor u kac weyn ka samaysay dhanka qiimaha ay ku fadhido.

Reds ayaa kaalinta 4-aad ka soo gashay kooxaha ugu qiimaha badan adduunka iyaga oo 6% kor u kac sameeyay sanadkii hore iyaga oo haatan ku fadhiya£1.143bn  kaliyana 47 milyan ka dambeeya kooxda Man United oo ku fadhida £1.190bn.

Si kasta ha ahaatee labada kooxood ayaa ka dambeeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo wali kaalmaha hore ku jira inkasta oo ay 14% khasaare la kulmeen sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here