Baarlamaanka Turkiga oo meelmariyay sharci si adag u xakameynaya baraha bulshada.

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay sharci si adag loogu xakameynayo baraha bulshada.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa  tallaabadan  ku tilmaamay “mid halis wayn ku ah xuriyadda hadalka.”

Sharciga wuxuu dhigayaa in qof kastoo leh bog ay ku xiran yihiin in ka badan hal milyan oo Turki ah, inuu xafiis ka furto dalka uuna u hoggaansamo dalab kasta oo ah in ay farriimaha qaar tirtiraan.

Haddii shirkadaha ay diidaan waxay wajihi doonaan ganaax iyo in qadka internet-ka laga jaro.

Facebook, Twitter iyo YouTube oo inta dadka ay isticmaalan  weli kama aysan hadlin go’aankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here