Borussia Dortmund Oo Man United U Qabatay Wakhti Kama Dambays Ah Oo Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Jadon Sancho.

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United u qabatay in ay saxiixa Xiddiga Jadon Sancho ku dhamaystirto muddo 13 maalin ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa bartilmaameed weyn u ah kooxda Man United kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu mar kale ku soo bandhigay horyaalka Bundesliga.

Sancho oo ku lug lahaa 33 gool xilli ciyaareedkan ayay Borussia Dortmund ku qiimaysaa lacag dhan 110 milyan oo euro.

United ayaa doonaysa in ay hoos u dhigto qiimaha laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu wakhtigu ka dhacayo si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Borussia Dortmund dhigeeda Man United u qabatay ilaa 10 bisha August ee soo soccota si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga hadii ay ay iska iloobaan saxiixa xiddiga ilaa wakhti kale.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa durba bilowday isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub mana doonayso in uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddigaha kooxda bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here