Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Malaysiya oo Lagu xukumay 2 sano oo xaririg ah kadib markii lagu helay eedeymo musuq ah

0
28

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu caddeeyay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xariira musuqmaasuq.

Garsoore ka tirsan maxkamad ku taalla magaalada Kualalumpur ayaa sheegay in ay heleen caddeeymo muujinaya in Najib uu malaayiin dollar si musuq ah ugu shubtay koontadiisa gaarka ah.

“Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xiriira arrintan, waxaan inoo caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xiriira arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka.

Masuulkan oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa gabi ahaanba dafiray in uu galay dambi la xiriira musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro.
Kiiskan ayaa noqonaya tijaabada kowaad ee dhaqan-galka xeerka dalkaas ee lagula dagaallamayo musuqa.

Xaaska Najib Razak, Rosmah Mansor ayaa iyaduna wajaheysa wax isdaba marin iyo in ay la dhuumatay canshuur la rabay inay bixiso, eedeymahaas oo ay sheegtay in aysan gelin.
Dembiga lagu helay mudane Najib ayaa sharciga dalkaas waxaa uu dhigayaa in uu ku muteysan karo 15 ilaa 20 sano oo xarig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here