Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
37

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda Man City ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ka dhigatay xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Valencia ee Ferran Torres (ESPN).

Kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Leicester City ayaa dookh u ah xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philipe Coutinho (Marca).

Atletico Madrid ayaa chelsea u sheegtay in ay wakhtiga isaga luminayso baacsiga ay ugu jirto Goolhaye Oblak (Marca).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa laba dalab ka helay kooxaha premier League sida uu sheegay wakiilkiisu (Talksport).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla ee Jules Kounde (ESPN).

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah uga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish (Sky Sport).

Man United ayaa muhiimadeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga ka dhigtay xiddiga garabka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Sky Sport).

Daafaca kooxda Leicester City ee Ben Chilwell ayaa doortay in uu ku biiro kooxda chelsea isaga oo iska diiday Man United (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay sii dheeraysato heshiiska Amaahda ah ee ay ku haysato xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos (Mail).

Kooxda Inter Milan ayaa xaqiijisay in ay doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Alexis Sanchez laakiin dhibaatada ayaa ah mushaharkiisa Badan (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa niyad jab kala kulantay baacsigii ay ku doonaysay saxiixa daafaca Dayot Upamecano kadib markii uu xiddigu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda RB Leipzig (Mail).

Agaasimaha kooxda chelsea ee Marina Granovskaia ayaa wadahadalo la qaadatay Wakiilka Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak (Star).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ay muddo 13 maalin ah ku dhamaystirto saxiixa Jadon Sancho hadii kale ay iska ilowdo saxiixiisa (Mail).

Tababaraha liverpool ee Jurgen Klopp ayaa midkood u dhaqaaqi doona xiddigaha Ozan Kabak oo u ciyaara Schalke iyo xiddiga Sevilla ee Diego Carlos si uu ugu buuxiyo booska uu baneeyay Dejan Lovren (Bild).

Kooxda Liverpool ayaa todobaadkii hore kooxda Sevilla wax ka waydiisay lacagta lagu heli karo daafaca Diego Carlos (Goal).

Kooxda Man United ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sergej Milinkovic-Savic inkasta oo ay Lazio Dalbanayo 80 Milyan (Foot Mercato).

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu lacag 100 milyan ah ka soo saaro xiddigaha Borja Mayoral, Oscar Rodriguez, Mariano Diaz & Sergio Reguilon (AS).

Kooxda Barcelona ayaa u dhaqaaqi doonta daafaca Villarreal ee Pau Torres hadii ay Man City diido dalabka ay kaga doonayso daafaca Eric Garcia (Mundo Deportivo).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here