Karim Benzema Oo Noqonaya Kabtanka Real Madrid Kulanka Champions League Ee Man City

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Karim Benzema ayaa hoggaamin doona Real Madrid kulanka Manchester City ay martida ugu noqon doonaan garoonka Etihad Stadium ee lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka Champions League, kaas uu ganaax kaga maqan yahaya Sergio Ramos.

Benzema oo ah kabtanka saddexaad ee kooxda, ayaa waxa fuuli doonta masuuliyad ka badan intii hore oo gacanta bidix uu ku xidhan doono kabtannadimada, taas oo uu ku helayo maqnaanshaha ganaaxa ee Ramos iyo Marcelo oo dhaawac ah.

 

Difaaca reer Brazil ee Marcelo oo ah kabtanka labaad, waxa uu kulamadii ugu dambeeyey horyaalka kooxdiisa uu ku maqnaa dhaawac, waxaana inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay, loo badinayaa in Zinedine Zidane uu ka door bidi doono Ferland Mendy, taas oo haddii ay dhacdo kabtannimada uu xidhan doono Karim Benzema.

Laacibkan oo hore u qaatay masuuliyaddii gool-dhalinta ee Cristiano Ronaldo, xili ciyaareedkana qaab wanaagsan oo uu muujiyey kaga caawiyey kooxdiisa inay ku guuleysato horyaalka LaLiga, waxa uu markan isku raaci doona culayska ciyaarta weyn, masuuliyaddiisii hore ee dhalinta goolasha iyo kabtannimada.

Kaliya Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Raul Gonzalez ayaa Karim Benzema ka goolal badan tartanka Champions League, waxaanu haystaa 64 gool.

Real Madrid ayay u taallaa shaqo badan kulankan, waxaana lugtii hore ee labada kooxood ee garoonka Santiago Bernabeu 2-1 kusoo badisay Manchester City, waxaanay Los Blancos u baahan tahay in ugu yaraan ay la yimaaddaan 2-0 si ay ugu gudbaan wareegga xiga, halka Man City ay kusoo gudbi karayaan barbarro, inay badiyaan iyo in lagaga adkaado 1-0 intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here