Nin dilay daanyeer naadir ah oo 11 sano oo xariga ah lagu xukumay

0
14

Baladweyne(Radio Beerlula)-Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 11 sano oo xabsi ah ku xukuntay in dilay mid ka mid daanyeerada naadirka ee ku nool buuraleyda dalkaasi.

Felix Byamukama ayaa qirtay dambiga ah inuu si sharci darro ah u galay goob la ilaaliyo iyo dilka daanyeerkaasi caanka oo lagu magacaabi jiray Rafiki

Felix ayaa horay u sheegay inuu iska difaacayay daanyeerka oo soo weeraray taasoo keentay inuu toogto.

Daanyeerada ku nool buuraha ayaa la aaminsanyahay inay ka mid yihiin duurjoogta khatarta ugu jirta inay dabar go’aan waxaana la sheegay in kun daanyeer oo kaliya ay ku soo hareen dunida.

Waaxda Duurjoogta Uganda ayaa sheegtay in daanyeerka Rafiki uu helay caddaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here