Manchester City oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay Korona Fayras

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay goordhow in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay caabuqa saf-mareenka ah ee Korona Fayras.

Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Manchester City, Ilkay Gundogan ayuu ku dhacay KOFID 19.

Ilkay waxa uu hadda ilaalinayaa 10 maalmood oo gooni isu-taag ah, isla markaana uu meel gooni ah geli doono, iyadoo la raacayo borotokoolka Premier League iyo Boqortooyada Ingiriiska ee karantiilka.

Bayaan ka soo baxay Kooxda Manchester City ayaa u dhignaa: “Ilkay wuxuu hadda galayaa 10 maalmood karaantiil ah si waafaqsan nidaamka Premier League iyo Dawladda Ingiriiska u dejiyeen xakamaynta Korona Fayras, qof kasta oo kooxda ka tirsan, wuxuu Ilkay u rajaynayaa inuu si deg deg ah uga bogsado.”

Manchester City ayaa kulankeeda ugu horreeya ee furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxa ay la ciyaari doontaa Kooxda Wolverhampton Wanderers.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here