Ra’iisulwasaaraha magacaaban ee Lubnaan oo iscasilay

0
21

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul wasaaraha la magacaabay Mustapha Adib ayaa shaqada ka tagay kaddib markii uu isku dayay muddo bil ah in uu dhiso gole wasiirro oo aan xisbi ka tirsanayn.

wuu ku fashilmay arrintaasi in kasta oo Faransiisku cadaadis saaray hoggaamiyeyaasha diimaha si ay ugu midoobaan la tacaalidda dhibaatadii ugu xumayd tan iyo dagaalkii sokeeye ee 1975-1990.

Mustapha Adib, oo ahaa safiirkii hore ee Berlin, waxaa la soo xulay 31-kii Agoosto si uu u soo dhiso gole wasiirro.

Wuxuu isku dayay inuu soo dhiso dowlad Qaran si ay awoodda u wadaagaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Adib, oo ah muslim sunni ayaa dowladda ka soo galay nidaam ku saleysan awood qeybsiga mad-habka, ayaa sheegay inuu ka tagayo howsha dhismaha dowladda

Mustapha Adib wuxuu shirar badan la qaatay siyaasiyiinta waaweyn ee shiicada ah laakiin wuxuu ku guul dareystay inuu heshiis ka gaaro sida loo xulayo wasiirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here