Boris Johnson oo wajahaya cadaadis ku aaddan COVID-19

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson waxaa saaran cadaadis sii kordhaya oo ah inuu keeno xeerar adag oo la xiriira xakameynta aafada Covid-19, ka dib markii dhimashada UK ay gaartay heerkeedii ugu sareeyay muddo shan bilood ah.

Waxaa jiray 367 dhimasho oo lala xiriirinayo fayraska, taas oo la diiwangeliyay Talaadadii, iyo ku dhowaad 23,000 oo kiisas cusub

Ra’iisul wasaarahu wuxuu la kulmayaa khubaro sida madaxa lataliyaha sayniska Sir Patrick Vallance si loo xoojiyo xayiraadaha, sida uu sheegay wargeyska The Daily Telegraph.

The Daily Telegraph waxay soo werisay in la-taliyayaasha dowladda ay ka baqayaan in dhimashada maalinlaha ah ay boqolaal gaarto 3-da bilood ee soo socota.

Tirada rasmiga ah ee dhimashada la xiriirta COVID ee Boqortooyada Ingiriiska waxay ku dhowdahay 59,000, sida ay sheegtay The Sun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here