Burnley oo saddexda dhibcood kaga soo qaaday Arsenal garoonkeeda Emirates

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-Burnley ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaaday Arsenal garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood ee Arsenal iyo Burnley.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

58 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd xiddiga kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa qaatay kaarka rosaha ama casaanka, kaddib markii uu qalad ku sameeyay mid ka mid ah xiddigaha naadiga Burnley.

Daqiiqadii 74-aad kooxda kubadda cagta ee Burnley ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliyay kabtanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1.

Ubu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay Burnley kaga soo adkaatay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay Emirates Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here