liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Athletic Bilbao

0
47

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag ay habeenka Arbacada kula ciyaari doonaan naadiga Athletic Bilbao horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa ku soo dhaweyn doonto kooxda kubadda cagta ee Athletic Bilbao garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Zinedine Zidane ee ka kooban 20 ciyaaryahan, lagu arkay inuu ka maqan yahay xiddiga reer Brazil ee Casemiro, kaddib markii uu kaarka jaalaha qaatay inta lagu guda jiray kulankii la soo dhaafay ee Madrid Derby.

Sidoo kale waxaa liiska xiddigaha kooxda Real Madrid dhaawac dartiis ugu maqan xiddigaha kala ah Mariano Diaz, Luka Jović, Eden Hazard iyo Martin Odegaard.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Rela Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag Athletic Bilbao ee horyaalka La Liga dalka Spain:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here